DENI oo ogolaaday wada- hadal uu la galo xubnaha mucaaradka

|

Garoowe (ONKOD ) Isimada iyo wax-garadka dhawaan ka yimid Laascaanood ee soo gaaray magaalada Garoowe ayaa wada dedaallo ay ku dhexdhexaadinayaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda Puntland oo in muddo ah khilaaf ka dhaxeeyay.

Isimadaas ayaa  kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabduillaahi Deni halka lagu wado in ay la kulmaan siyaasiinta mucaaradka maamulkaas.

Madaxweynaha isimada ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada Puntland.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta ay wadaan, islamarkaana u sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal, si loo xalliyo xiisadda taagan ee ka dhalatay muranka doorashada.

Mucaaradka Puntland waxay u dirirayaan inay laba arrimood hor istaagan. Mid waa muddo kororsiga, midna waa nuuca doorasho ee Saciid Deni usii xaqiijinaya guusha.

murashaxiinta xilka doonka ah  ayaa weli ku adkeysanaya inaan dib loo dhigin xiliga doorashada 9ka Janaayo 2024 , taas oo ay sheegeen haddii  ay dhacdo in ay keeni karto  gacan ka hadal.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha