DF oo sheegtay Nabadoonnada qaraxa lagu dilay in la shirqoolay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareysay weerar xalay lagu dilay nabadoono ka tegay Beledweyne kuwaasoo ku sii jeeday deegaan ay maamusho Shabaab, si ay uga soo daayaan dad ay ka xirteen.

Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Saddex Nabadoon halkaasi lagu dilay, halka mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo Nabadoonadan ay ka soo jeedeen degmada Buulo burde.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonnada Beesha Baadi cadde oo kala ah: (1) Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

(2) Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3) Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare, Sidoo kalena lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda waxay sheegtay in dilkan uu ahaa shirqool loo dhigay nabadoonnada oo horay isaga diiday in ay geeyaan lacago iyo dhallinyaro ay Al-Shabaab askareeyaan.

Related Articles

News In English

Fikradaha