DFS oo kala hadashay Uk ladagaallanka Al-Shabaab

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay la-taliyaasha xasilinta ee ka socday safaaradda  UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasilinta iyo hindisaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in lagu taageero dadaallada xoreynta Gobollada iyo xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasiirka fiqi ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay arrimaha xasilinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawladda UK.

Dhankooda lataliyaasha xasilinta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan taageerada amni oo ay siiyaan Dowladda Soomaaliya si looga adkaado Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan dagaal adag waxaa ay kula jirtaa Ururka Al-Shabaab, waxaana ay kala hadleeysaa sidii looga guuleysan lahaa wakiillada Beesha Caalamka iyo dowladaha taageera.

Related Articles

News In English

Fikradaha