Dhuusmareeb (ONKOD) Magaalada Dhuusmareeb ee gobolka Galgaduud waxaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay qarax ismiidaamin ah kaas oo la doonayay in gudaha la galyo magaalada .
Sida ay sheegayaan wararka aan helayno qaraxan oo gawaari laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay bar kantarool oo laga galo magaalada Dhuusmareeb , halkaas oo la sheegay in laga ilaaliyo magaalada.
Qoraal lagu daabacay boggaga warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi laga hortegay kadib xogo ay heleen ciidamada ammaanka.
Saraakiisha maamulka Galmudug ee ku sugan Dhuusmareeb ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaaraha oo soo gaaray ciidanka ku sugnaa barta- kantarool ee uu qaraxa ka dhacay.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyay halka uu qaraxa uu ka dhacay , waxaana la sheegayaa in ciidanku ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan falalka amni darro.
Deegaano badan oo ka mid ah Galmudug waxaa ka soconaya howlgalo Dowladda ay ku doonayso in ay ku sugto amniga sidaas oo ay tahayna waxaa dhaca falalka lidiga ku ah amniga.
Maalmo kahor ayay ahayd markii xubnaha Al-Shabaab sidaan oo kale ay qaraxyo ugu weerareen deegaan ay ku sugnaayeen madaxweyne Qoor Qoor iyo xildhibaano kasoo jeeda Galmudug.