Magaalada Ankara ee Caasimada Dalka Turkiga, waxaa xalay lagu soo gabe-gabeeyay wada-hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya, ayna garwadeen ka aheyd Dowladda Turkiga, waana kulankii ugu horeeyay tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, ay si toos ah labada hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kulan waji- waji ah ay yeshaan, ayna uga hadlayaan khilaafka u dhaxeeya.
Kulanka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiy Abiyo Axmed, waxaana kulanka garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga Recep Dayip Erdogan, dood dheer kaddib labada dhinac ayaa ku heshiiyay in laga gudbo arrimaha muranka dhaliyay isla markaana waxyaabaha khilaafka dhaliyay meesha laga saaro, bog cusubna ay bilaawdaan labada Dalka, kaasi oo ku saleysan dhowrista madaxbaanida iyo midnimada iyo wadajirka labada Dalka.
Sidoo kale waxaa lagu xusay geba-gabada war-murtiyeedka soo baxay heshiis kasto oo dhacaya ay qasab tahay in loo maro Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warka sidoo kale waxaa daaha looga qaaday in Arrimaha la xiriira adeegsiga badaha oo ku kooban ganacsiga ay labada dal u mari doonaan hab sharciyeed labada dal faa’iido u leh oo qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha, laguna saleynayo dhowrista qarannimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah,isla markaana lasii amba qaado bisha Febaraayo 2025, ayna garwadeen ka noqon doonto heshiiska Dowladda Turkiga.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Turkiga uga mahad celisay martiqaadka Shirka, iyo dedaalada ay mudda 8-da bilood ku bixineysay sidii xal diblumaasiyadeed looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sikastaba, Dowladda Turkiga ayaa ah wadan si dhow saaxiib ula ah Dalal Soomaaliya iyo Itoobiya, waxeyna isku xilqaamay xalinta khilaafka labada Dowladahaan kaasi oo gaaray xiriirkoodi meeshii ugu xumeyd, balse hadda xal laga gaaray