Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka sanadkan

|

Muqdisho (Onkod Radio) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay warsaxafaadeed kasoo baxay guddiga sare ee qaabilsan adeegga Xajka.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha Xajka ee sanadkan lagu jaan-gooyay lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbaddellada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, isla-markaana ay la yimaadaan hufnaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443 / 2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443 / 2022.

Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Related Articles

News In English

Fikradaha