Dowladda Ingiriiska ayaa Shacabkeeda ka dalbatay inay soo dhoweeyaan Qaxootiga Ukraine

|

Muqdisho (Onkod Radio) Dowladda UK, ayaa soo jeedisay in aan si kala sooc lahayn loo soo dhoweeyo Qaxootiga Ukraine, ee ku firdhismay Qaaradda Yurub kaddib markii Ruushka uu xoojiyay howlgallada duqeymaha ee uu ku beegsanayo Dalka Ukraine.

War saxaafadeed kasoo baxay Dowladda UK, ayaa lagu sheegay in Baaqa qaabilaadda Dadkaan uu ku socdo Dadweynaha reer Uk, oo dhan Ganacsatada, Hay’adaha & Bulshada awoodda u leh in ay martigeliyaan qoysaskan.

Dowladda Ingiriiska ayaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Britain, ka dalbatay in ay ka shaqeyso soo dhoweynta Dadka reer Ukraine, ee ah, qaxootiga oo si kumeel gaar ah, loo siinayo Sharciga, Dadkaas aya lagu wargeliyay in ay oggolaadaan in 6 bil in la heynayo.

Saraakiisha, laanta socdaalka ee Uk, ayaa ka shaqeeyn doona in qaxootiga waddanka Ukraine, ay u gudbiyaan Hey’adaha ama dadka ku shaqada leh dib u dejinta Qaxootigani waa inay oggolaadaan ayaga naftooda inay u sameeyaan qaxootiga dib u dejin gaareysa muddo dhan 6 bil.

Waddamada Yurub, ayaa ballan-qaaday inay soo dhoweeynayana qaxootiga Waddanka Ukraine, ayagoo in badan u gudbay waddamada dariska ah, Bangiga adduunka ayaa sheegay inuu ugu deeqay Ukrine lacag.

Related Articles

News In English

Fikradaha