Dowladda Itoobiya oo beenisay warkii kasoo baxay Al-Shabaab

|

Bakool (ONKOD) Dagaal culus oo saacado badan socday ayaa shalay deegaanno katirsan gobolka Bakool ku dhax maray kolonyo ciidamo Itoobiyaan oo safar ahaa iyo dagaalyahannao katirsan kooxda Al Shabaab oo jidka u galay.

Sidoo kale, Socdaalka ciidamo Itoobiyaan ah oo ku kala jeeday magaalooyinka Waajid iyo Xudur ayaa siyaabo kala duwan jidka loogu galay, waxa ayna ciidankan dagaal adag kala kulmeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab.

Dhanka kale, War kasoo baxay kooxda Al Shabaab ayey ku sheegeen in dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Bakool ciidamada Itoobiya uga dileen 167-askari, sidoo kale halkaasi ku bur buriyeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ay wateen ciidamada Itoobiya.

Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Mukhtar Mohamed Ware oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay sheegashada kooxda Al Shabaab, waxa uuna safiirka sheegay in kooxdaasi aysan awoodin in daqiiqado xitaa la dagaalamaan ciidankooda.

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo kumanaan kun oo katirsan howlgalka ATMIS kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waxaa sidoo kale jira ciidamo kale oon howlgalka qeyb ka aheyn balse siyaabo kale u jooga gudaha Soomaaliya.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha