Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda Masar ay qorsheyneyso in ciidamadeed ay kusoo daabusho Soomaaliya si ay uga mid noqdaan howlgalka cusub ee Soomaaliya ee AUSSOM.
Masar ayaa dooneysa in ciidankeeda ku keento dhanka cirka iyo badda, si ay howlgalkan cusub ay uga mid noqdaan.
Ilo wareedyo kala duwan oo xagga amniga ah, ayaa inoo sheegay in Masar ay xoojineysa qorshaheeda ay ku dooneysa in ciidankeed ay howlgalkan qeyb uga noqdaan, isla markaana talaabadan ay guul weyn u tahay Masar maadama loolanka toban sano jirsaday uu kala dhaxeeya Itoobiya, maadama ay isku hayaan wabiga Nile oo Addis ababa ay ka dhisaneyso biyo xireeno weyn taasi oo Qaahira ay u aragto mid khatar ku ah ammaanka Biyaha Nile.
Sidoo kale codsiga Soomaaliya, ayaa ah in ciidamada Masar ay beddelaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika oo la bedelayo, taasoo siineysa Qaahira ciidamo badan oo ka soo tallaaba xadka Itoobiya, taasoo keeni karta in Addis Ababa cadaadis ku saarto inay muujiso dabacsanaan ku aaddan muranka biyaha Nile.
Sikastaba, howlgalkan cusub ee Midowga Afrika, ayaa Jimcihii waxaa ansixiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo qaraarka ay soo sareen 14 wadan oo kamid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah golaha, marka laga soo tago Mareykanka oo ka aamusay sababa la xiriir walaaca uu ka qabo maalgelinta howlgalkan cusub.