Dowladda oo ciidamo dheeraad ah geysay furimaha dagaalka ee Shabeellaha Dhexe

|

Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sacaadihii lasoo dhaafay geysay ciidamo dheeraad ah furimaha dagaalka ee gobolka shabeellaha Dhexe.

Meela ay Dowladda  ciidamada geysay  waxaa kamid ah deegaanka Cadaan-laxey ee hoostaga degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cutubyo katirsan ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad, ayaa kamid ah ciidamada ay dowladda geysay fuirmaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawiisley, ayaa durbo bilaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaanka,  si ay uga hortagaan dhaq-dhaqaaqa ay Al-shabaab kawadaan gobolka.

Maamulka Hir-shabeelle, ayaa dhowaan sheegay in la xoojin doono howlgallada lagula dagaalamayo Al-shabaab, ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha