Dowladda Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis shaqo abuur oo la filayo in ay fursad shaqo ay ku helaan 10,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Dhallinyarada ayaa la sheegay in ay iskugu jiraan kuwa xirfadlayaal ah iyo kuwo aan xirfad laheyn, waxaana heshiiskan uu qeyb ka noqonayaa dhimista shaqo la,aanta ka jirta dalka.
Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa magaalada Doha kula kulmay madaxda wasaaradda shaqada ee Qatar, waxa ayna kulankooda diirada ku saareen nidaamka shaqaaleysiinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.
Geesta kala guddiga farsamada ee Iskaashiga Shaqada ee Qatar iyo Soomaaliya ayaa ku kulmay magaalada Doha, si ay uga wada hadlaan nidaamka shaqaalaysiinta iyo hirgelinta heshiiska shaqada oo ay labada dal saxiixeen.