Dowladda Soomaaliya oo 147 muwaadin oo ku xirnaa xabsiyada Libiya dib ugu soo celisay Dalka

|

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147  muwaadiin oo ku xirnaa xabsiyada Dalka Liibiya, kuwaasi oo ahaa tahribayaal doonayay inay ka talabaan badda Libiya si ay u garaan talyaniga.

Soo celinta muwaadiniinta  ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya ka caawiyay Midowga Yurub iyo Hay’adda IOM, waxaana Muwaadiniinta lasoo celiyay oo Wiilal iyo Gabdho isugu jiray, ay in muddo ah ku jireen xabsiyada dalka Libiya iyada oo kooxaha Maga-yaasha ay u heysteen lacag madax furasho ah.

Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho,  ayaa dhallinyaradan ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo u muujiyay sida ay uga go,an tahay  bad-baadinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Dalka Libiya.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Liibiya, Cabdi Cali Diiriye, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go,an tahay sidii dalka ay dib ugu soo celin laheyd dhallinyarada Soomaaliyeed ee Dalalka dibadda ku dhibaateysan, iyada oo kaashaneysa hay’adaha caalamiga ah, si loo xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ambasadoor Cabdi Cali Diiriye, ayaa dhallinyarada lasoo celiyay waxa uu ku booriyay in Dalkooda ay aaminaan kana shaqeysataan, isaga oo ugu baaqay in kuwa maqan ku dhiiri geliyaan in dalka ku soo laabtaan.

Qaar kamid ah dhallinyarada lasoo celiyay oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in xabsiyada Libiya inta ay ku jireen ay la kulmeen xaalado adag, isla markaana waxa ay u mahad celiyeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka qeyb qaatay bad-baadintooda.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha