Dowladda Soomaaliya oo cadeeysay in Itoobiya marin badeed laga siinayo badda Cas

|

Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Itoobiya ay marin badeed ka heleyso bada Cas iyo Dekad ganacsi u hesho.

Axmed Macali Fiqi wasiir arrimaha dibadda ayaa sidaas u sheegay xili Wareysi siinayay warbaahinta Asharq ee dalka Masar.

“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale wasiir Fiqi, ma bixin faah faahin intaas ka badan oo ku aadan meesha ay ka heleyso Itoobiya marin badeedka badda Cas.

Sikastaba, talabadan ayaa daba socota baaqii kasoo baxay heshiiskii ka dhacay magaalada Ankara, ee ahaa in Itoobiya ay hesho marin badeed, kaasi oo ay bixineyso Dowladda Soomaaliya, sidoo kale u muuqda mid meesha ka saaraya heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Related Articles

News In English

Fikradaha