Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Ukraine Andrii Sybina, waxa ayna ka wada hadleyn xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.
Wasiir Fiqi, ayaa sheegay inuu Ukraine u rajeynayo soo laabashada nabada iyo xasiloonida wadankooda, waxa ayna labada wasiirka hoosta ka xariiqeen muhiimada ay lee dahay xoojinta xiriirkooda, iyo sidii loo horumarin lahaa danaha labada dowladood ee Soomaaliya iyo Ukraine.
Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ukraine Andrii, ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan in xiriir diblumaasiyadeed ay shegeen Soomaaliya iyaga waliba dalkooda uu dagaal ku jiro.
“Waxaan u mahadcelinaya dowladda Soomaaliya oo tageertay madaxbaanida Ukraine iyo midnimada dhuleed. Waxaana ku dedaaleynaa in sare u qaadno xiriirka diblumaasiyadeed ayna ballaarin doonaan iskaashiga labada dal” ayuu yiri wasiir Andrii Sybina.
Geesta kale waxa uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, in khadka telfoonka ay ka wada-hadleen dhiggiisa Soomaaliya, ayna isla meel dhigeen sidii ay xiriir u wada yeelan lahayeen labada dowladood.
Dowladda Ukraine, ayaa muddo dhowr sanno ah waxa ay dagaal kula jirta dowladda Ruushka oo dooneysa in qeyb kamid ah dhulka Ukraine, ay ku darto dalka Ruushka.