Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Rwanda, kaddib ayada oo dagaallo culus oo u dhexeeya fallaagada ay Rwanda taageerto iyo ciidamada dowladda ay ka qarxeen hareeraha magaalada istiraatiijiga ah ee Goma ee bariga dalkaas.
Ugu yaraan 13 ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta iyo askar shisheeye ayaa ku naf-waayay dagaalka, halka kumanaan rayid ahna ay ku barakaceen.
Kooxda fallaagada ee M23 ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhul muhiim ah ka qabsatay soohdinta ay la wadaagaan Rwanda, iyagoo ku sii siqaya Goma oo ah xarunta gobolka, hoyna u ah ku dhowaad 2 milyan oo qof, isla markaana ah isha amniga iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimo ee gobolka.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Mareykanka iyo khubaro ka socota Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto kooxda M23, kuwaas oo u badan qowmiyadda Tutsi-ga ee ka go’day ciidanka Congo wax ka badan toban sano ka hor.
M23 waa mid ka mid ah boqol kooxood oo hubeysan oo ku loollamaya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen gobolka hodanka ku ah macdanta, halkaas oo colaad daba-dheeraatay ay ka abuurtay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadamnimo ee ugu daran caalamka.
Dowladda Rwanda ayaa beenisay inay taageerto fallaagada, hase yeeshee, sannadkii tegay ayay qiratay inay ciidamo iyo gantaallo ku leedahay bariga Congo si ay u ilaaliso ammaankeeda, iyadoo farta ku fiiqday ciidamo badan oo Congo ah oo la geeyay meel u dhow xadka.