Muqdisho (ONKOD) Weerarkii Dowladda Soomaaliya ay ku qaaday , Generaal Sheegow isla markaana lagu xiray ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo beelaha qaar si adag ay uga hadlaan.
Magaalada Muqdisho waxaa isugu soo baxay siyaasiin iyo xildhibaano beel ahaan ka uu ka soo jeedo Generaalka laga soo jeebeeyay degmada Dharkanlay halkaas oo uu isku difaacayay.
Xildhibaan Dahabo Suusow waxay sheegtay in aan la aqbali karin weerarka lagu qaaday sarkaalkaas, iyadoo ku tilmaamay xarigiisa dulmi weyn
Sidoo kale waxa ay sheegtay xildhinaanadan in markii horeba ay ku dulmanayeen gudaha dalka dhacdada maantana ay la mid tahay dulmigii ay lagu hayay.
“Halkii Janan aan laheyn in gurigiisa lagu weeraro Kuleetiga la soo qabto oo lagu oriyo ma ahan waxaan aqbali karno. Anigaa Xildhibaankiisa ah,” ayay tiri xildhibaanku.
Siyaasiinta sidoo kale ku sheegay in talaabada Dowladu ay qaatay ay u arkaan mid la doonayo in lagu beegsado saraakiishooda ciidan taasna aysan mid la ogolaan doonin