Duqeymo culus oo lagu dilay xubno katirsan Daacish oo ka dhacay Puntland

|

War-saxaafadeed kasoo baxay  Taliska ciidamada Puntland, ayaa looga hadlay duqeymihii u dambeeyey  ee diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee lagu beegsaday xubno katirsan Daacish.

Qoraalka kasoo baxay Ciidamada, ayaa lagu sheegay in lagu dilay duqeyntii xalay ka dhacay deegaanka Shebaab ee katirsan buuraha Calmiskaad lagu dilay 30 xubnoo oo katirsan Daacish, una badan Ajaanib, sidoo kalana lagu burburiyay gaadiid ay xubnahaasi wateen.

“In ka badan labo duqeyn ayaa ka dhacday deegaanka Shebaab ee buuraleyda Calmiskaad, waxaana lagu dilay in ka badan 30 Daacish ah oo u badan Ajaanib, isla markaana waxaa la gubay gaarigii saadka u waday”. ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay Puntland.

Ugu dambeyn qoraalka kasoo baxay Puntland, ayaa lagu sheegay in xubnaha katirsanaa Daacish, ee lagu dilay howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad  ay gaarayaan 200 xubnood.

Duqeymaha diyaaradah ayaa waxaa  inta badan fuliya  wadamada dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Al-shabaab ee ka socda dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha