Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo la kulmay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre

|

Muqdisho, Soomaaliya: Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo weli ku jira safarkiisa shaqada ayaa la kulmay Ra’iisal JF Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre.

Ergeyga Gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka wadahadlay xiriirka guud ee labada dal ee Finland iyo Soomaaliya ka dhexeeya, arrimaha nabadda, isi-saamaxaadda ama cafiska.

MP Suldaan Said Ahmed iyo PM Xamse Abdi Barre

Ra’iisal wasaaraha ayaa Ergeyga uga mahadceliyay sida dhow ee uu ula socda xaaladda bani’aadminnimo ee Soomaaliya ka jirta wuxuuna sidoo kale dowladda Finland uga mahadceliyay taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiso dowladda iyo dadka Soomaaliyeedba.

Ugu dambeyntii waxay labada mas’uul, Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed iyo Ra’iisal wasaare Xamse Cabdi Barre isku afgartay sii wadista xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhexeysa xukuumadda Soomaaliya iyo Finland.

Wixii warar ah ee ku saabsan socdaalka shaqo ee MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika halkan kala soco.

Source: Suomensomalimedia.fi

Related Articles

News In English

Fikradaha