Faah Faahin: Sarkaal ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta o Muqdisho lagu Qarxiyay

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa aheyd Miino Lagu xiray gaari uu watay mid kamid ah shaqaalaha Dowladda Soomaaliya,oo marayay meel ku dhow Madaxtooyadda Soomaaliya.

Musharaf ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac,islamarkaana haatan lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaaladda magaaladda muqdisho.

Musharaf Mohamed Mo’allim ayaa kamid ah shaqaalaha ugu firfircoon ee xafiiska xeer ilaalinta maxkanadda ciidamadda, wuxuuna qaraxa lala eegtay uu kusoo beegmay maalin kadib markii Hay’adaha garsoorka ee dalka digniin adag u direen dadla u cadaalad raadsada Al-Shabaab.

Related Articles

News In English

Fikradaha