Faah faahino kasoo baxeysa dagaal ka dhacay tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud

|

Warar dheeraad ah  ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka deegaanka iyo Al-shabaab, oo ka dhacay tuulo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxa uu yimid kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al-shabaab, ay weerar dhowr jiho ah ay ku qadeen tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo labada dhinac ay isku adeegasadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dirirto ay dhex martay.

Weli saraashiisha ciidamada Milatariga Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Qaayib, kama aysan hadlin dagaalkan maanta ka dhacay tuulada Hamacaduur ee gobolka Galgaduud.

Sikastaba, gobolka Galgaduud, waxaa ka socda guluf dagaal oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada xoogga iyo kuwa dawaariishta Galmudug, oo kaashanaya ku deegaanka, waxaana dagaalladaasi ay sababeen in deegaano badan oo kooxda Al-shabaab laga saaro.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha