Sarkaal ka tirsan dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa shaaciyay in ciidanada ay haatan gacanta ku hayaan inta badan magaalada Goma, ee ku taal bariga dalkaas.
Muhingo Nzangi, oo sidoo kale ah xildhibaanka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in milatarigu ay dharbaaxo weyn u geysteen fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto.
Si kastaba ha ahaatee, fallaagada ayaa weli ku andacoonaysa inay magaalada gacanta ku hayaan. Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarka ka dhacay Goma, isagoo ku celceliyay sida ay uga go’an tahay ixtiraamka madax-banaanida Congo.
Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan toddobo iyo toban qof ay ku dhinteen, ku dhawaadafar boqol oo kalena ay ku dhaawacmeen iska horimaadyada socda.
Madaafiic culus ayaa shalay ilaa xalay laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada.Fallaagada M23 ayaa shalay sheegtay inay qabsadeen magaalafa, balse dowladda ayaa sheegtay inay weli gacanta ku heyso meelaha muhiimka ah sida garoonka.
Sarkaal ka tirsan QM ayaa xaaladda magaalada ku tilmaamay mid aad u qasan, isagoo sheegay in dagaalku uu weli socdo. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dad badan ay dhinteen kadib markii bambooyin lagu tuuray goobo ay ka mid tahay xero ay ku jiraan dad gudaha dalkaas ku barakacay.
Hay’ad arrimaha gargaarka ka shaqeysa ayaa iyaduna sheegtay in isbitaallada weeraray halkaasoo ay ku dhaawacmeen carruur. Kumannaan qof ayaa ilaa haatan ka qaxaya Goma, halka kuwo kalena ay guryahooda ku xanniban yihiin.