Fiqi oo difaacay mowqifka Xamse ee Khilaafka Gedo

|

Muqdisho (ONKOD ) Wasiirka arrimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Axmed Madoobe Madaxwaynaha Jubbaland uu ki saxnaa magacaabista Guddoomiyaha gobolka Gedo.

Axmed Macalin  Fiqi Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay  in maadama dalka uu yahay Federaalka gobolka Gedo uu ka mid yahay  maamulka Jubbaland sidaas darteeda Jubbaland ay magacaabi karto Guddoomiyaha.

Ma jirto ayuu yiri Wasiir Fiqi sabab loogu hor imaan karo magacaabista Guddoomiyaha cusub  ee gobolka Gedo oo dhawaan loo diiday inuu ka dego magaaalada Garbahaaray ee Gedo.

Wasiir Fiqi ayaa ka jawaabayay su’aal laga waydiyay khilaafka gobolka Gedo oo sii xoogeystay dhawaan kadib markii maamulka cusub loo magacaabay, kaas oo ay ka horyimaadeen siyaasiin ka soo jeeda gobolka.

Xaalada gobolkaasi ayaa wali ah mid cakiran, waxaana shacabka magaaladaasi ay sheegeen iney diidan yihiin nidaamka wax maamul ee Axmed Madoobe.

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha