image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 Anonymous
  • africa
  • country
  • flag
  • national
  • sign
  • somalia
  • image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 mr_johnnyp
  • UK
  • Union flag
  • jubilee
  • queen
  • royal
  • union jack
  • image/svg+xml Openclipart somalia 2011-02-16T17:38:51 originally uploaded by Craig Kacinko for OCAL 0.18 Anonymous
  • africa
  • country
  • flag
  • national
  • sign
  • somalia
  • image/svg+xml Openclipart UK union flag 2012-05-15T04:06:24 mr_johnnyp
  • UK
  • Union flag
  • jubilee
  • queen
  • royal
  • union jack
  • Garoonka diyaaradaha ee Sanca oo dib loo furay lix sano ka dib

    Facebook Twitter LinkedIn WhatsApp Messenger

    Sanca Yemen (Onkod Radio) – Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Sanca ee dalka Yemen ka duushay diyaaraddii ugu horraysay ee ganacsi ee garoonkaas isticmaasha muddo lix sannadood ah, waxaana duulimaadkaasi uu u jihaysnaa caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Wararka ayaa sheegaya in rakaabka diyaaraddan saaran ay ku jireen dad bukaan ah oo caafimaad u raadsanaya dalalka debedda.

    Kormeerayaasha dusha kala socda xaaladda dalka Yemen ayaa sheegay in dib u furista garoonka Sanca inay tahay tallaabo weyn oo hore loogu qaaday, sidii looga midha dhalin lahaa geeddi socodka nabadeed ee socda, ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda dalkaas ka socotay muddada toddobada sano ah.

    Dib u soo celinta duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee Sanca oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka Xuutiyiintu ayaa qeyb ka ah, xabad joojin ay gadhwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay oo muddo laba bilood ah soconayey, taasoo dhaqan gashay horraantii bishii April. Garoonka ayaa la xidhay bishii August ee sannadkii 2016.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka socota dalka Yemen ee ay ku lugta leeyihiin xukuumadda Yemen ee taageerada ka hesha isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo mucaaradka Xuutiyiinta ah ee taageerada ka helaya dalka Iran, inuu sababay masiibo bini’aadinimo oo aad u daran. In ka badan 23 milyan oo Yamaniyiin ah oo ku nool dalkaas ayaa haatan u baahan gargaar bini’aadanimo.

    Facebook Twitter LinkedIn WhatsApp Messenger

    Wararka La xiriira

    Privacy Overview

    This website uses cookies so that we can provide you with the best user experience possible. Cookie information is stored in your browser and performs functions such as recognising you when you return to our website and helping our team to understand which sections of the website you find most interesting and useful.

    Strictly Necessary Cookies

    Strictly Necessary Cookie should be enabled at all times so that we can save your preferences for cookie settings.