Garoowe (ONKOD ) Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland waxa maanta oo Khamiis ah isugu soo baxay , dadwayne aad u fara badan oo diidan in gacan ka hadal uu ka dhaco magaalada.
Waxa ay dalbanayaan in laga fogaaado wax kasta oo keeni karo dhibaato iyo in dib loogu laabto halkii laga yimid 30 sanno ka hor sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga baaqsado.
Inta badan dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Garoowe waxay u badan yihiin haween kuwaas oo ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu gaarto marka ay dhacaan rabashadaha.
Qaar ka mid ah Haweenka careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland.
Wararka la helayo ayaa sheegay in fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Puntland dhankooda uu ku bilowday , gacan ka hadal iyo buuq taas oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.
murashaxiinta xilka doonka ah ayaa weli ku adkeysanaya inaan dib loo dhigin xiliga doorashada 9ka Janaayo 2024 , taas oo ay sheegeen haddii ay dhacdo in ay keeni karto gacan ka hadal.
Si kastaba waxaa muuqanaya hubinti la’aan siyaasadeed oo ka dhashay , arrimaha doorashooyinka , waxaan markasta la filan karaa gacan ka hadal ka dhasha doorashooyinka hadii aan wax iska bedelin sida ay wax u socdaan.