Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa laashay dacwadda Suudaan ee ka dhanka ah Imaaraadka Carabta, iyada oo sheegtey in aysan awood u lahayn.
Suudaan ayaa ku eedeysey Imaaraadka in ay xasuuq ka geysatay gudaha dalkaas, iyada oo gacan siinaysa kooxda RSF.
Garsooraha Soomaaliyeed, Cabdulqawi Yuusuf ee ka tirsan ICJ ayaa ka soo horjeestey go’aanka maxkamadda, isaga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Warbaahinta Suudaan ayaa qaadaa dhigeysa Garsooraha Soomaaliyeed oo ay ku tilmaamayaan in uu ‘hiil’ u muujiyey dalkooda.
Garsoore Cabdulqawi waa sharciyaqaan-sare oo maxkamadda ICJ ka noqday ilaa Madaxweyne.