GAZA uma roona hadalka Aqalka cad – qorshe fog

|

Gaza (ONKOD) Aqalka Cad ayaa ka welwalsan  suurtagalnimada dib u qabsashada Gaza ee Israa’iil, kaddib markii hoggaamiyaha waddanku uu tilmaamay in ciidamada Israa’iil ay la wareegi doonaan “mas’uuliyadda guud ee amniga” ee aaggaasi.

Mar la waydiyey in la miisaamo qorshaha fog ee Gaza intii lagu guda jirey waraysi uu siiyey CNN Talaadadii, afhayeenka Golaha Amniga Qaranka, John Kirby, ayaa ku boorriyey Israa’iil in ay dib u eegis ku samayso inay milletari ahaan marinkaasi u joogto muddo dheer.

DHANKALE :

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen.

Israel ayaa Gaza oo ay qabsaay ka baxday 2001, halka ay Xamaas xukunka doorasho kula wareegtey 2006-dii.

 

 

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha