Gen Sheegoow oo xabsi ugu jiray dowladda Soomaaliya oo geeriyooday

|

Alle hau naxariisto waxaa caawa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Gen Sheegoow Axmed Cali oo muddooyinkii dambe ku xanuusanaa xabsi ay gelisay dowladda Soomaaliya.

Gen Sheegoow, ayaa la sheegay in xanuunkiisa uu ka biloowday cudura Cagaarshow, balse uu isku badalay Kansar, sida uu todobaadkii hore warbaahinta u sheegay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Hir-shabeelle Cabdishakuur Shaashaa.

Eheladiisa ayaa horay u sheegay in dowladda ay dayacday  Gen Sheegoow, isla markaana uusan helin dabiibkii uu u baahnaan.

Wasiir Cabdishakuur Shaashaa ayaa qoraal uu soo dhigay bariisa Facebook ku yiri “Jeneraalka Dayac Dowladeed ayuuu u dhintay Mudana waan ka hadlay, waxaanse walaac ka qabaa dhalinyaradii la xirnaa”.

Sheegoow  ayaa la xiray sannadkii 2023kii  kaddib markii isku hor-imaad Muqdisho ku dhex maray ciidan uu watay iyo ciidamada dowladda, waxaana qabashadiisa kaddib lasoo taagay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday, waxaana xusid mudan in Eheladiisa ay ku doodeen in xukunkaasi uu yahay mid baalmarsan sharciga.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha