Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xalay meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo howlgalka taageerida iyo xasilinta ee midowga Afrika ee Soomaaliya ( AUSSOM).
Qaraarka qabyada ah ayaa waxaa ansixiyay 14 wadan, waxaana ka aamusay hal wadan, qaraarka ayaa waxa hoggaamineysay Dowladda UK.
Qoraalka qabyo-qoraalka ah ayaa u oggolaanaya Midowga Afrika (AU) inuu Soomaaliya geeyo illaa 12,626 askari, oo ay ku jiraan 1,040 boolIis ah, ilaa 30ka Juunyo 2025, iyo in la dhammaystiro taariikhdan dib u habeynta dhammaan ciidammada Midowga Afrika ee horey u ahaa ATMIS, si loogu guuro AUSSOM.
Sidoo kale AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), kaasoo howshiisa uu ku eg yahay 31-ka December ee sannadkan 2024.
Ku-xigeenka ergayga joogtada ee UK, Danjire James Kariuki, ayaa tilmaamay in qaraarkan uu si adag u xoojinayo taageerida uu golaha siiyo Dowladda Soomaaliya.
“AUSSOM, waxaan u fasaxnay inay Soomaaliya ay ka tageerto dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab, xoojinta dedaalada xaslinta Soomaaliya, iyo awood bixinta gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire James.