Golaha SSC oo kudhawaaqay in ey magacaabeen 9 Xoghaye

|

Laascaanood (ONKOD) – Maamulka cusub ee Khaatumo State ee dhawwaan lagu dhisay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku dhawaaqay sagaal xoghaye oo noqonaya golaha fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo. Sidoo kale, hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku dhawaaqay sagaalka xubnood ee noqonaya golaha fulinta maamulka Khaatumo State. Xoghayaasha la magacaavay ayaa kala ah:
  1. Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada
  2.  Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  3.  Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta
  4.  Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda
  5.  Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka
  6.  Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda
  7.  Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga
  8.  Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  9.  Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska
Dhanka kale maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay magacaabista xoghayaashga maamulka Khaatumo, qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaana loogu hambalyeeyay xubnaha cusub ee la magacaabay.

Related Articles

News In English

Fikradaha