Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiis ay wada gareen Soomaaliya iyo Masar

|

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Kulanka golaha ayaa waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre, waxaana lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey kooxda Al-shabaab , isla markaana deegaanno badan laga saaray kooxda.

Sidoo kale golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka dagaalka, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Ugu dambeyn  golaha, ayaa  ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha