Golaha wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo ay wada galeen Soomaaliya iyo Azerbaijan

|

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulankoodi caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaaamac.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay laba heshiis oo ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Azerbaijan, kuwaas oo ku saabsan dhinacyada Waxbarashada, Tababarrada iyo Tamarta.

Heshiisyada is-afgarad ah ee ay wada gaareen Soomaaliya iyo Azerbaijan ayaa wax weyn ka tari doona horumarinta dhinacyada Waxbarashada, Tamarta iyo tayeynta xirfadaha.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa wasaaradaha amniga gudaha iyo Gaashaandhigga waxa ay soo bandhigeen shuruuc la xiriirta amniga iyo howlgalladii u dambeeyey ay sameyeen ciidanka xoogga dalka.

Related Articles

News In English

Fikradaha