Guddiga joogtada ee Baarlamaanka golaha shacabka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

|

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in kalfadhiga lixaad ee furmaya maalinta Sabtiga ah ay Golaha horyaalaan howlo muhiim ah oo uu ka mid yahay dhameystirka dib u eegista dastuurka.

Intaasi ka dib guddoomiyaasha guddiga joogtada ayaa ka warbixiyay shuruucda ay gacanta ku hayaan iyo habraacyada u dhiman.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha