Guddiga khilaafaadka ee doorashooyinka oo hakiyay natiijada doorashada kursigii uu ku fadhiyay wasiirka batroolka

|

Muqdisho (Onkod Radio) Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45 oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Baraawe ee caasimadda koonfur galbeed Soomaaliya, kursigaas uu ku fadhiyay Wasiirka Batroolka Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa Qoraal soo saaray ayaa lagu sheegay in kusriga tirsigiisu HOP#45, ay dacwad kasoo gudbiyeen saddex xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Batroolka, xili kursigaas uu kusoo baxay Maxamuud Axmed Maxamed oo la doortay.

Related Articles

News In English

Fikradaha