Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee ay yeeshaan Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray garab istaagga ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka dagaallamaya qeybo kamid ah gobollada dalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed loogu baraarujin lahaa dhibaatada ay kooxaha Daacish iyo Al-shabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad, ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo midoobo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay in si isku mid ah loo garab istaago geesiyaasha xoogga dalka, iyada oo bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in ay gacan ka gaystaan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.