Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo lagu soo dhoweeyay magaalada Baydhabo

|

(Onkdradio.so) Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelintii dambe soo gaaray magalada Baydhabo ee Caasimadda Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Shaati Gaduud ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, labada gole ee dowladda, haweenka, dhalinyarada, barbaarta gaashaaman iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Related Articles

News In English

Fikradaha