Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika oo ka hadlay tallaabada nabadeed ee ay wado Kenya

|

Dowladda Kenya ayaa martigelineysa saxiixa heshiis siyaasadeed oo ay ku lug leeyihiin dhinacyada isku haya Suudaan, waxaana ay gobalka gelinayaa xaalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha cusub ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay  in Nairobi ay muddo dheer caan ku ahayd dhexdhexaadinta colaadaha gobolka, tallaabadan halista leh ayaa ka dhigaysa in lagu eedeeyo inay u xaglineyso dhinaca RSF, ayuu yiri Maxamuud Cali.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay  jawaabta kulul ee dawladda Suudaan waxay muujinaysaa cawaaqibka ka dhalan kara marka dhinac lagala xaajoodo arrimo weli aan xal loo helin.

Kenya iyadoo sahalsanaysa wadahadallo ay dhinac u arkaan kuwo sharci darro ah, waxay keensanaysaa xaalad cakirnaan ah oo ay ka wajahado Khartuum, taasoo sii adkayn karta doorkeeda diblomaasiyadeed ee gobolka.

“Si ay u sii ahaato dhexdhexaadiye lagu kalsoonaan karo, Kenya waa inay si taxaddar leh u maareysaa doorkeeda, iyada oo xoojinaysa dhexdhexaadnimada iyo wadahadallo loo dhan yahay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamuud.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in haddii ay doonayso in Kenya ay sii ahaato hormuud nabadeed, waa in ay hubisaa in dadaalkeedu aanu sii hurin xiisadda balse uu horseedo xal waara oo ay dhinacyadu ku qanacsan yihiin.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha