Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, xubno ka socday gollaha wasiirrada Xukuumadda iyo mas’uuliyiinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, ayaa la filaya in uu kulamo kala duwan la qaato madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, waxa kulamadaasi ay uga wada hadli doonaan arrimo ku saabsan Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afirka
Waa safarkii ugu horeeyay ee uu Muqdisho ku yimaado guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo la doortay 25 bishii Feberaayo 2025.
Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka qaadatay doorashada uu ku soo baxay guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana socdaalka guddoomiyaha cusub uu muujinaya muhiimada ay u lee dahay Midowga Afrika Soomaaliya.