Guddoomiyaha degmada Bardaale oo ciidanka ku dhiirigeliyay dagaalka kooxda Shabaab

|

Gudoomiyaha Degmada Berdaale Maxamed isxaaq xasan (Caracase) oo ay wehliyaan gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda iyo saraakiisha amniga degmada berdaale ayaa dhiirigelin ugu tagay Qeybaha kala duwan laamaha amniga degmada Berdaale ee Gobolka baay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka uu ku ammaanayo sida ay diyaarka ugu yihiin sugida amniga degmada, isla markaana waxa uu carabka ku dhuftay in askarigii wali aan helin xuquuqdiisa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuuli doono sidii uu ku heli lahaa.

“Waxaan idin ballan qaadaya in askarigii aan xaquuq laheyn uu xaquuqdiisa heli doono, waxaana hadafkeenu uu yahay in degmada Bardaale iyo deegaanada hoosyimada aan ka xoreyno khawaarijta Al-shabaab oo dhac iyo dhiaabto ku hayaa shacabka.” Ayuu yiri guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq.

Sidoo kale gudoomiye Maxamed Caracase, ayaa ciidanka ugu baaqay in ay iska dhiciyaan kooxda Al-shabaab, madaama aysan dooneynin in koonfur galbeed ay noqoto meel amni ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ciidanka kula dardaarmay ka shaqeynta amniga Degmada Berdaale iyo Deegaanada Ku teedsan, isaga oo sidoo kalana ugu baaqay in ay sare u qaadaan feejignaantooda, ayna la shaqeyaan shacabka sidii degmada Bardaale amnigeeda u noqdo mid laisku haleyn karo.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha