Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo la kulmay wasiirka deegaanka dalka Muritaaniya

|

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya kaga qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Musiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan la qaatay wafdiga dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.

Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.

Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha