Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Guddoomiyaha la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda marnaba raali ka aheyn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.
Sikastaba, kulanka guddoomiyaha golaha shacabka la yeeshay ganacsatada Muqdisho, ayaa ku soo aadaya xili maalintii afaraad ay inta badan xiran yihiin goobihii ganacsiga ee suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay cabasho ka muujiyeen canshuur xad dhaaf ah oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay ganacsatada.