Guudlaawe oo safiirka midowga Yurub kala hadlay gurmadka Abaaraha

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan xoojinta iyo dardargalinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageerayo Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Sida Gurmadka abaaraha, Sugidda amniga, Sare u qaadidda mashaariicda horumarineed iyo dhisidda awoodaha hay’adaha kala duwan ee Dowladda Hirshabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Hirshabeelle ay uga taageeri lahaayeen howlaha hortabinta u leh maamulkiisa.

Dhanka kale Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Tiina Intelmann ayaa sheegay Hirshabeelle Cali Guud laawe uu ku bogaadiyay dadaallada uu ka wado dowlad Gobaleedka Hirshabeelle kaas oo ah la dagaalanka Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ka fuliya Mashaariic badan, Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa jooga qaar ka mid ah maraakiibtiisa, iyada oo todobaadkaan Muqdisho safar uu ku yimid Madaxweyne ku xigeenka Midoowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell, kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha