HADDA : Askar ku dhintay kuna dhaawacmay qarax ka dhacay Beledxaawo

|

Beledxaawo (ONKOD ) Wararka aan ka helayno degmada  Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax waxyeelo u gaystay askar ka  tirsan Hay’adaha amaanka degmadaas.

Sida wararku ay sheegayaan qaraxan ayaa ahaa miino dhulka lagu aaso , kaas oo oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka.

Inta la xaqiijiyay laba askari ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa

Dhaawacyada askarta ayaa la sheegayaa in   mid ka mid ah uu xaaladiisa halis tahay.

Maamulka degmada oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah uu ka bixiyo qaraxan lala eegtay ciidan ka mid ah kuwa amaanka degmada.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya  in xaaladda hadda ay tahay mid degan oo ciidanka ay wadaan howlgalo ay ku sugayaan amniga degmada

Dhawr jeer sidan oo kale ayaa ciidamo ka tirsan maamulka degmada qaraxyo lagula eegtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

 

Related Articles

News In English

Fikradaha