Baladweyne (Onkod Radio) — Haweenka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa garab istaag u muujiyay ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha Ururka Al-Shabaab.
Haweenka magaalada Baledweyne ayaa iska aruuriyay deeq raashin ah oo ka kooban, Sonkor,Saliid,Bariis,Timir, Buskut iyo Caano, waxaana ay ugu talageen in ay ku dhiirigaliyaan ciidanka Dib u xoreynta gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka.
Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ka xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.