Heshiisyo laga gaarayo labo malleeshiyo beeleed oo ka socota Shabeellaha Dhexe

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Waxaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka billowday  shir lagu xallinayo beelihii dhowaan dagaallada ay ku dhex mareen degaanno hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka labada Beelood iyo Saraakiisha Guutada 4aad ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Kulanka goobjoog ka ah, iyaga oo ka arrinsanaya sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laab laabtay.

Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle o kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga goobtii lagu dagaallamay, balse Odayaasha dhaqanka labada dhinac looga baahan yahay inay xal ka gaaraan.

Dagaalkii dhowaan labada malleeshiyo Beeleed ku dhexmaray degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux, waxaana dhowaan la kala dhex-dhigay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Related Articles

News In English

Fikradaha