“Markii aan dalka dib ugu soo laabtay oo aan arkay in dalka dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin qabyaaladda iyo xagjirnimada ay aad ugu faafayaan, dhallinyaradana ay u jilicsan yihiin ayaan ogaaday si taas looga hortago in dhallinyarada ay jecel yihiin waxyaabaha muusigga iyo lagu daro. Marka aniga waxaan ka firiyaaa waxyaabaha ay dhallinyaradu jecel yihiin oo lagu kasban karo, si looga hortago inay ku biiraan ururrada argagixisada.”

Ka hor inta uusan wasiir noqon kumuu ahaa Ilyaas Cali Nuur Cali?

“Waxaan horay u ahaa macallin dugsi, xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho ayaan si fiican Quraanka ugu bartay, waxaana macallin dugsi ka noqday xaafadda Hodan. Waxaan sidoo kale salaadda taraawiihda ka tujin jiray masaajidka Muusa Boqor, kaddib waxa aan sii aaday Suucuudiga oo aan Imaam Maasijid ka ahaa,” ayuu yiri.

Wasiir Ilyaas oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay kaddib muddo shan sano ah oo uu joogay Sucuudiga inuu u wareegay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London, halkaas oo uu haddana ka billaabay dugsi Quraan ay arday badan ka aflaxeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu barnaamijyo diini ah ka tebin jiray telefishinka Universal.

“Bulshada waxyaalo badan ayaan u soo qabtay intaan joogay London, taariikhdaydana waa nin mar walba ka shaqaynaya horumarka, masaajida ayaan ka dhisnay London ilaa hadda masaajid aan ka furnay ayaa weli ka furan.”

BBC SOMALIA