Muqdisho (KAAB) Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu dawaynayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ka dib dhaawaac ka soo gaaray weerar Al- Shabaab ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada Baacaadwayne halkaas oo uu ku sugnaa Qoorqoor
Madaxwaynaha ayaa shalay loola soo cararay dhaawaciiisa magaalada Muqdisho , waxaana la sheegayaa in gacanta iyo qaybta iyo lug uu dhaawac uu ka soo gaaray.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Madaxewaynaha Galmudug waxa ay ku booqdeen isbitaalka oo dhaawaciisa lagu dawaynayo.
Ka hor inta Madaxwaynaha dhaawaciisa la soo gaarsiin magaalada waxa uu soo muuqday muuqaal kooban oo uu kaga hadlayay weerarka lagu soo qaaday iyo sida maamulkiisa ay uga go’an tahay in uu la dagaalmo kooxda Al- Shabaab.
Dadka dhaawacan oo magaalada Muqdisho lagu dawaynayo waxa ka mid ah Senator Cabdi Xasan Cawaalle Qaybteed oo ka mid ahaa masuuliyiin weerarka saamaynta ay ka soo gaartay.
Senator Cabdi Qaybdid ayaa waxaa soo gaaray kaliya dhaawac ka yimid dhagax guri uu hurday kasoo dhacay.
Dhinaca kale, Xidlhibaan Dhabancad ayaa sheegay in gaari qarax ah lagu soo weeraray goob ay jiifteen
Dad ku sugan Wisil ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, isla markana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.