Beledwayne (ONKOD )Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay sii kordhayso dhibaatada fataadaha wabiga Shabeelle uu ka gaysanayo xaafadaha magaaladaas waxaana gabi ahaanba xirmay adeegyo muhiim u ah dadka magaalada ku nool.
Sida wararka aan ka helayno magaaladaas ay sheegayaan waxa fatahaadan meelaha ay saamaysay ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada oo adeeg caafimaad u hayay shacabka ku nool magaalada Beledwayne.
Howlwadeenada caafimaadka Isbitaalka magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhibaatada gaartay isbitaalka magaalada saamayn ay ki yeelan karto dadka u baahan adeegyada caafimaad.
Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu soo gurmado isbitaalka oo biyo aad u fara badan oo ka dhashay daadka gudaha u soo galay.
Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaare nafeed oo ka dhashay Wabiga Shabeelle oo maalmo ka hor ku fatahay magaalada Beledweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada ayaa waxay sheegayaa in fatahaad webiga ay sababtay dhimashada 10 ruux oo biyuhu ay siyaabo kala duwan u qaadeen.