Iyadoo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya uu socdaal ku marayo dowlad-goboleedka Koonfur galbeed, ayaa booliisku waxay weerar ku qaadeen idaacadaha maxalliga ah, iyagoo garaacaya oo xiray saxafiyiinta

|

Muqdisho (Onkod Radio) — Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) iyo Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa si kulul u cambaareeyay falkii gacan ka hadalka ahaa ee ciidamada Booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ay ku qaadeen Idaacadda Radio Baraawe, oo ah raadiyaha u dooda xuquuqda bulshada laga tirada badan yahay ee maxalli ah oo ku yaalla magaalada Baraawe habeenkii Arbacada.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagayo maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii 15-kii bishan.

Abaare 6:15 pm xilliga Afrika ee Arbacada, shan askari oo bilays ah oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday idaacadda Baraawe, waxayna si xoog ah, u xireen wariye Cismaan Aweys Baxar, oo sidoo kale u shaqeeya TV-ga Universal iyo aasaasihii idaacada Fu’aad Shooble. Labadooda ayaa markii hore lagu khasbay inay xeebta ku socdaan iyagoo qoryo lagu haayo si kastaba ha ahaatee, iska caabin kadib ayaa loo gudbiyay saldhigga booliska oo lagu hayay.

Ciidamo labisan ayaa lagu arkayay gudaha xarunta idaacadda, iyadoo ugu yaraan hal askari uu qorigiisa ku fiiqayo wariye Cismaan Baxar, una hanjabaya in ay toogan doonaan, sida laga soo duubay muuqaal ay heleen SJS iyo SOMA. Sida ay sheegeen asxaabtiisa, Weriye Baxar, ayaa waxaa ka soo gaaray dhaawac gacanta ah oo ka dhashay garaacista booliska ay ku garaaceen qoryaha.

Radio Barawe journalist, Osman Aweys Bahar. | PHOTO/SJS/FILE.
Radio Barawe journalist, Osman Aweys Bahar. | PHOTO/SJS/FILE.

Duullaanka iyo xarigga ayaa waxa uu daba socdaa ammar xarig ah oo Arbacadii ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo ku saabsanaa warkii Wweriye Baxar, uu ka sheegay khilaafka sii kordhaya ee ka dhex jira golaha deegaanka degmada Baraawe iyo guddoomiyaha degmada, Mar sii horreysay Wariye Baxar ayaa u sheegay SJS iyo SOMA in Guddoomiyaha Degmada Liibaan Abuukar Baafo, iyo Taliyaha Booliska Cabdiqaadir Aadan Maxamed, ay ugu hanjabeen in ay xabsiga dhigi doonaan.

SJS, iyo SOMA, ayaa cambaareeyay falkii gacan ka hadalka ahaa ee lagu qaaday Radio Baraawe iyo xarigga shaqaalaheeda. Waxaan ku baaqaynaa in si deg deg ah tallaabo looga qaado ciidamada booliska ee falkan sameeyay.

Waxaan sidoo kale ka dalbaneynaa xorriyadda wariye Cismaan Aweys Baxar, iyo aasaasihii idaacadda Fu’aad Shoble,  Booliisku waa inay sidoo kale soo celiyaan qalabkii laga qaatay raadiyaha.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalle Axmed Muumin, ayaa yiri “Waxaan cambaareyneynaa weerarkan gacan ka hadalka ah ee ay ciidamada booliska dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ku qaadeen Radio Baraawe, iyo xarigga Cusmaan Aweys Baxar, iyo aasaasihii idaacada Fu’aad Shooble,” ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin. xorriyadda shuruud la’aanta ah ee labada saaxiib ee la xidhay. Saraakiisha booliisku waa inaysan u dhaqmin si ka sarreeysa sharciga, Waa in lagula xisaabtamaa falalka gurracan ee ay geystaan”.

“Aad baan uga xunnahay in weerarkii lagu qaaday Idaacadda Baraawe iyo xarigga labadii shaqaale ee ka tirsanaa kuna dhaawacmay mid ka mid ah, markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagayo dowladdan xubnaha ka ah federaalka. Waanu cambaaraynaynaa falkii ay booliiska sameeyeen, waxaanan dalbanaynaa caddaalad, Waa in si deg deg ah, loo sii daayaa,” Maxamed Cismaan Makaraan, Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA) ayaa yiri.

Labadii sanno ee la soo dhaafay, booliska Koonfur Galbeed ayaa laba jeer weeraray oo xiray Radio Baraawe, xitaa waxay mamnuuceen barnaamijka lahjadda maxalliga ah ee Baravanese (Chimwiini) ee idaacadda oo u muuqday ammar siyaasadeed oo ka soo baxay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Inkastoo Radio Baraawe, uu dib u billaabay howlihiisa maalmo kaddib, Weriyaasha iyo tifaftirayaasha ayaa soo sheegay in maamulku uu sii waday dabagalka ay ku hayaan shaqaalaha idaacadda.

Related Articles

News In English

Fikradaha