Jubbaland oo bogaadisay howlgallada ka socda deegaanada Hir-shabeelle

|

Bayaanka kasoo baxa madaxtooyada Jubbaland, ayaa looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, ee ka socda deegaano katirsan maamulka Hir-shabeelle.

Bayaanka ayaa waxaa lagu bogaadiyay ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ee Macawiisley ee dagaalka adag kula jira kooxda argagixisada ee Al-shabaab.

“Jubbaland waxa ay soo dhaweyneysa  iskaashiga  socda waxa ayna rajeyneysa inuu noqdo  mid lagu gaarayo guusha ugu dambeysa ee looga adkaanayo Al-shabaab loogana qabsan doono deegaanada dowlad goboleedka Hir-shabeelle ay kaga sugan yihiin”, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Jubbaland.

Related Articles

News In English

Fikradaha