Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay inay falal amni daro ah ka wada G/Gedo

|

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa Dowladda Dhexe, ku eedeeyay in wali wado kala furfurida iyo qalqal gelinta amniga deegaanada maamulka Jubbaland.

Jubbaland ayaa sheegtay in Degmooyinka gobolka Gedo, ay dowladda Xasan Sheekh isku dayeyso inay ka abuurto qalalaaso amniga darro ah, taasi oo gobolka u horseedi karto in amnigiisa uu faraha ka baxo, maadama sida ay ka dhawaajisay Jubbaland, saraakiishii loo xil saaray sugida amniga loo adeegsanayo dano siyaasadeed.

“Dagmooyinka Gobolka Gedo ayey Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Jubbaland.

Sidoo kale Jubbaland ayaa tilmaamtay in odoyaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Gedo, ay horay uga digeen in aan la carqaladeynin Amniga ay heystaan Shacabka reer Gedo.

“Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sikastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladd Federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa muddooyinkii u dambeeyey sii xumaaneyay, iyada oo dowladda ciidankii ay geysay deegaanka Raaskambooni ay Jubbaland gacanta ku dhigtay kaddib dagaal ka dhacay deegaankaasi, waxaana inta badan askartii lagu qabtay dagaal dib Jubbaland ugu soo celisay Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Related Articles

News In English

Fikradaha